4: Himilada Hufan – Sida Loo Yagleelo Yool Cad oo Ganacsi
Asalka guusha ganacsi: Ganacsi kasta oo guuleysta waxa uu leeyahay hal shay oo cad: yool . Haddii aadan garanayn waxa aad rabto inaad gaarto, waxaad u socdaan tahay meel aan la garanayn. Cutubkan wuxuu inoo ifinayaa sida loo sameeyo yool cad, la qiyaasi karo, la gaari karo, muhiim ah, iyo mid wakhti xadidan leh (SMART Goals). 1. Waa maxay Yool Ganacsi? Yoolku waa jihada aad rabto in ganacsigaagu u dhaqaaqo. Waa muuqaalka mustaqbalka ee aad ku haminayso. Tusaale: "Waxaan rabaa in 3 sano gudahood aan ganacsigayga u beddelo shirkad caalami ah." 2. Tallaabooyinka Lagu Dhiso Yool Cad: Caddeynta Himilada: Maxaad rabtaa inaad gaarto? La qiyaasi karo: Inaad xaddido: Imisa macaamiil? Imisa faa’iido? La gaari karo: Inay macquul tahay markaad eegto kheyraadkaaga. Muhiim: Inuu la jaanqaado qiimaha iyo aragtidaada. Wakhti Xadidan: Go’aami wakhti aad rabto inaad ku dhameyso. 3. Faa’iidada Yool Cad: Markaad leedahay yool ca...